XIGSIISIN

Harooyinka Hawd baan si hawlyaraan ah ugu noolaa, illaa ay neecoow jaceyl iigu timid aroor hore harada dusheeda. Waa balliga Kaadi-Farasle, oo ka mid ah harooyinka Xodayo. Waa gugii dhowaa, oo dhulka waxaa dabooley doog iyo dhir, balliguna wuxuu u buuxey si uusan weligii u buuxsamin. Dad iyo duunyaba wey ka cabbaan. Sidii Biciid gooniddaaq ah ayaan keligay ahaa. Shuux yar ayaa soo daatey markey biyaha cagta galisay. Shaki la'aan, waan la shaamareeray quruxdeeda. Q...