XIGSIISIN
Harooyinka Hawd baan si hawlyaraan ah ugu noolaa, illaa ay neecoow jaceyl iigu timid aroor hore harada dusheeda. Waa balliga Kaadi-Farasle, oo ka mid ah harooyinka Xodayo. Waa gugii dhowaa, oo dhulka waxaa dabooley doog iyo dhir, balliguna wuxuu u buuxey si uusan weligii u buuxsamin. Dad iyo duunyaba wey ka cabbaan. Sidii Biciid gooniddaaq ah ayaan keligay ahaa. Shuux yar ayaa soo daatey markey biyaha cagta galisay. Shaki la'aan, waan la shaamareeray quruxdeeda. Qalbiga ayaan ka dareemay wax aanan weligay dareemin. Dabadeed sida birlabtu birta u qabsato ayay ii soo jiidatey. Waan u dhowaadey. Sida dhuuxa ayay u caddeyd. Quruxdeeda waxaa la moodayey laan Hareeri ah. Mararka qaar nasiibku wuxuu kuu yimaaddaa isagoo leh muuq qofeed, ayaan hoos isu idhi.
Biyihii baan la dhaamiyay. Balliga badhtankiisa ayay meel godan ku siibatey. Gacanteeda dabacsan ayay ii soo taagtey. Tin iyo cidhib waan jidhidhicoodey. Kalgacal baan la godladey. Baarcad ayay magaceeda iigu sheegtay. Burjigeeda, baxsanaanteeda iyo bilicdeeda san kolkaad aragtid waxaad qiraysaa in samada magaca looga dooray. Dabeecaddeeda macaan ayaa sabab u ahayd in aannu waxyaabo badan ka sheekaysanno. Waxaan dhegaysanayey codkeeda. Codkaas oo la moodo sidii muusik macaan.
Qalbigeeda waxaa ka buuxey naxariis iyo insaannimo. Intay ii soo dhowaatey ayay tidhi, waa innoo berri iyo balligan. Yididiilo iyo rejo anigoo dareemaya ayaan madaxa hoos u gundhiyay.
Intaan dhabbaha sii hayey ayaan ka fikiray in imaanshaheygii harada ee hadda ka hor uu ahaa mid u dhexeeyay ruuxdeyda iyo dabeecadda iyo inaan dareemo xornimo, aniguna aan is ahaado— laakiin hadda ka dib aan Baarcad ku sugi doono si aan u doojiyo dareenka qalbigeyga. Waxaan ogaa in jaceylku yahey waxa ka keliya ee nadiifiya Qalbiga...
Waa aroor Isniin ah. Ardaagu waa cidla, geeljirihii giddigoodna tuulada ayey aadeen oo tulud ay rabeen inay soo gadaan ayey kaxeeyeen. Keligay baa ardaaga ku hadhey iyo nirgo ku xareysan qalwada. Geed madheedh ah agtiisa ayaan kadaloobey anigoo u hiloobay Baarcad. Waxaan ka welwelsanaa in aannu is waydaaranno ama ay i raagsato. Iyada oo keliya ayaan ka fikirayey. Laf iyo ludba caashaqeedu wuu iga galey. Dabcan waxay ila ahaatey in aan raadiyo. Jidkii tegayay balliga ayaan cagta saarey. Aad baan u dherersanayey, oo waxyaabo badan baa maankeyga ka guuxayey. Hubaal maan hubin in aan heli iyo in kale, laakiin waxaan si hoose isu lahaa, "inta qalbigu buki lahaa, cagtu ha bukooto."
Nasiibwanaag raadkeedii oo cusub ayaan isha ku dhuftay goortaan meel dhexe marayey. Waxaan dareemay in ay dhanka harada iiga sii horreyso sidii oo la moodo in ay i sugayso. Alleylehe halkaan rabey roob ma igu helay.
Run ahaan, balligu wuxuu noo ahaa buundada xidhiidhisa sheekadayada!
Bidhaanteeda ayaan meel dheer ka arkay. Waxaan u muuqdey sidii qof anbadey gudcur magangooyo oo uu u bidhaamey iftiin yar oo meel ka baxayaa, iftiinkaas oo uga dhigan rejo.
Cabbaar baannu ceelka dushiisa ku sheekaysanney.
Alla maxaan la dhacey muuqeeda, maskaxdeeda, iyo sheekadeedaba.
Taleefan ma taqaan, weligeedna may isticmaalin baraha bulshada.
Lahjadda xoogaa waanu ku kala duwaneyn, oo erayo saafi ah oo aan af waageeni ku jirin ayay ku hadli jirtay. Sida dhaameelka oo ay u taqaanney erayga ABQO. Jaadadka shimbiraha iyo dhirta ayay si fiican u kala garanaysay.
Maalin ayey si kedis ah iigu tidhi, "In kasta oo aan hubo in aan si dhab ah kuu jeclaadey, laakiin dumarka Ogaadeen waxa ay aad ugu qab weyn yihiin ragga ay tolka yihiin..!" Wadnaheyga ayuu gilgilay qodobkaasi. Cabbaar ayaan aamusay oo aan fikir galey. Ma mooggani in kalsooni-darradani tahey midhihii colaadda. Waxaan ogahey sida qolo-qolo loogu kala deggan yahey. Sida reeruhu ay u kala didsan yihiin una kala shakisan yihiin. Sababtaas baa keentay dadkuna in ay kala qaloodaan oo qof weliba ku qanacsanaado qabiilkiisa hoose uun. Bal aynu dhowrno midka guuleysta dhaqanka iyo doonisteenna, ayaan cod hoose ku idhi.
Balliga ayaanu ku ag baratami jirnay, kolkolna biyaha ayaannu ku dhex looli jirnay hiirta hore oo ah xilliga ay biyaha dhaaminayso.Tegitaankii tuulada waan joojiyay. Dusha ayaan kala socon jiray maalintii iyada oo adhi dhowr boqol ah hadba baal u rogaysa, oo bahalaha ka dhowraysa. Qof dhiifoon oo il dheer ayay aheyd.
Meel u dhexaysa ardaaga geela iyo gurigooda ayaan ardaa yar ka sameystay. Si ay dabayshu iigu soo qaaddo carafteeda. Jabaq kasta oo aan maqlo waxaan moodi jiray saanqaadkeedii miisaannaa. Maqal ay leeyihiin ayaa muskeyga soo gali jirtay. Siraad oo ah qofka ugu yar qoyskooda ayaa maqasha mar kasta dhex taagan oo raacda. Siraad, dhaqdhaqaaqa maqasha oo kaliya la may socon, sidoo kale waxay dareensaneyd xidhiidhka aniga iyo Baarcad.
Dacar oo Baarcad aabbaheed ah ayaa aroor ardaaga noogu yimid markii ugu horreysay. Waxyaabo badan ayuu ka sheekeeyay. Aroortaas tuulada jaad umuusan doonan. Isagoo sheekaynaya anigana i soo fiirinaya ayuu mar yidhi, "Qofkii gabadh fiican helaa ha guursado..!" Waxaan ka shakiyay in uu uurkeyga daalacdey. Alla yaa u sheega in aan Baarcad muska ugu jiro. Waxaan ku sigtay in aan u badheedho, oo waxaan hoos isu idhi Xamarna ha la qabsadee, xidhiidhka adiga iyo Baarcad uga warran..! Hal eray oo afkiisa ka soo baxa ayaa nolosheyda oo dhan badhaadhe ka dhigi lahaa, ase candhuufteyda ayaan dib u liqey oo waayaheyga waan iska qarsadey.
Xagaagii baa bilaabmey oo haradii ayaa biyaheedii yaraadeen; ajo ayay noqdeen, sidaas darteed balli kale oo fog ayey u arooreen intay dameer jirikaamada saartaan.
Waxaan la qabsadey in aan ku sugo balligii. Shaki la'aan, dhowr arooryood oo aan raadkeeda waayey, waxaan dareemay sidii jidh bilaa ruux ah oo kale. Mar danbe ayaa nin geeljire ahi ii sheegay in ay u arooraan ceel fog. Gadaal ayaan ka ogaadey in geeljiraha badankiisu ay raadinayaan fursad ay kula haasaawaan Baarcad.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu dameerkii ay ku dhaansan jireen ka lumey. Arrintaasi aniga nasiib wanaag bay ii aheyd, sababtoo ah balligii aanu ku ballami jirnay oo u dhowaa ayay jirikaankii ula soo jarmaadday. Waxaan fursad u helay in aan mar kale dhoolacaddeynteedii dhowro.
Wakhtigu wuu ordayaa, maalin kastaana waayaheeda ayey wadataa. Mar kale ayaan waayey muuqeedii, raadkeediinna arki waayey. Siraad oo maqashii la joogta ayaa galab ii sheegtay in ay Baarcad buktay maalmahanba. Waxaan u rejeeyay in ay biririx noqoto. Bariido ayaan kaa gaadhsiinayaa Baarcad ayay igu tidhi, iyadoo waxar yar soo weecinaysa.
Waxa ila qumanaatey inaan booqdo Baarcad, bidhaanteedii ka soo bogto misna soo bariidiyo. Timir iyo taleefan ayaan tuuladii uga soo gadey aroortii danbe. Waa maalin Isniin ah, oo waan la soo baqooley. Aad baan u niyad wacnaa. Aadna waan ugu hiloobey. Waxaan ka fikirayey kolkay bogsato Baarcad in aan si fudud ku heli doono, oo aan mar kasta waci doono oo hubaashii lamahuraan ayey aheyd in ay teleefan qaadataa. Hadhgalkii ayaan gurigoodii soo gaadhey. Maalintaas guriga waxaa joogey dad badan oo dumar u badan iyo laba wiil oo faceyga ah, horena aanan u arag. Meel shishe waxa ka muuqata Dhool oo in badan dhulyaal aheyd, nin xerow ahna u dhaxdey. Waxaa i soo dhowrayey boqolaal indhood. Weligoodba ha i soo fiiriyaan. Waxaan wacad ku soo marey in aan Baarcad soo arko, oo aanan cidna ka qarsan dareenka qalbigeyga. Dabcan Baarcad oo meel bannaan wadhan ayaan ag istaagey. Xummad xun ayaa dhulka la dhacdey. Wey tamar beeshay, oo intaan gacanteedii soo qabtey ayaan hadyaddii gacanta u galiyay. Aad bay ugu riyaaqdey booqashadeydii. Wey dhoolacaddeysay. Aniguna dareen baan la godladey. Waan macasalaameeyay. Tuulada Guryasamo ayaan u dhalandhooley, dabadeed si kedis ayaan safar u galey.
Maalmo ka dib ayaan soo laabtey iyadoo reerkii gaadhi lagu rarey oo ay u hayaameen meel Wardheer u dhow, ka dib kolkii Dhool oo Baarcad ka waynayd ay dhimatey. Ha ahaatee, Baarcad farriin ayay ii reebtay. Geeljirihii ayay u sheegtay in taleefankii aan u keenay uu aabbaheed ka qaadey, isagoo ku marmarsoodey in ay kaga mashquuli doonto raacista xoolaha dhowrka tiro ah. Kolley se Dacar dareen baa galey oo taleefankan wuu ka shakiyay.
Deyrtii baa curatey. Dabadeed degellada Doollo oo idil ayaan ka raadiyay. Anigoo Baarcad raadinaya ayaan dadka u sheegi jiray in aan baadidoon ahey.
Jiilaalka bilowgiisii ayaa la ii sheegay in Baarcad reerkoodii ay yaallaan Sirow. Sirow Dannood iyo Daratoole ayay u dhexaysaa. Toddobada Haro Xagarrey ee Caado, Daratoole, Hagoogane, iyo Addinlibaax ka mid yihiin ayay Sirow ku jirtaa. Sirow waa meel adag. Waa kayn jiq ah. Waa meel libaaxu aad ugu badnaan jiray. Qiyaastii illaa saddex balli ayaa Sirow la isku yidhaahdaa. Sida Sirow u tahey meel adag ayuu arrinkayguna u adkaa. Si kastaba ha noqotee, Sirow ayaan u safrey. Galab gaaban ayaan gaadhey. Waxaan soo dhex qaadey mashxaradda dumar badan oo ku mashquulsan gaaf caawa Sirow ka dhacaya. Xog la'aantu xumaa. Waxaan ku soo baxey Baarcad oo dhex hawaarta mutulle yar dabadeed kolkay i aragtey ayay gorodda laalaadisay murug darteed, dhegahana waxey u nabtey sidii biiq yar oo la qabtey. Qalbiga ayaan ka qadhqadhey. Illeen gaafkani waa kii Baarcad. Daal ayaa indhaheeda ka muuqdey. Waxay u muuqatey inaysan ku qancin. Aad bay u qoomamooneysay. Ma Baarcad baa qofkan murugaysani? Aawey qosolkeedii....!
In kasta oo aan u dhowahey, haddana runta uma sheegi karo oo waxba ma wayddiin karo. Mee axdigeennii... ballanteennii halkeed ka dhaaftey...!
Waa yaab e, oo weligay gabadh aan shukaansadey jid kagama dhaqaaqin, kumana ballanfurin e, maxaa la iga goynayaa. Waxaan gartey in xerowgii Dhool ka dhimatey loo loogey Baarcad.
Sidii gaadhi taayir ka banjarey, oo taayir labaad oo cusub loo galiyay ayaa Baarcad xigsiisin loogu siiyay xerawgii iyadoo aan lala tashan, waxna la wayddiin. Xerowgu se nasiib badanaa ma waraabaa.
Si aysan u dareemin Baarcad ilmadeyda ayaan madaxa biyo iskaga shubay. Sida roobku u maydho dhulka, ayay ilmaduna u maydhaa ruuxdeenna. Waan ka tegay Baarcad anigoo la moodo in aan jiidayo badh jidhkeyga ka mid ah. Jidkii Xodayo ku beegnaa ayaan cagta soo saarey. Waa jidkii quusta. Waxaa jicsin ii ahaa intaan jidka sii hayey xasuusaheedii. Ubbadeydii garabka ii sudhnayd goror biyo ahi kuma jiraan, laakiin danba kama lihi. Habeenkii oo dhan ayaan dhabbaha sii hayey. Xodayo oo ah halkii sheekadayadu ka bilaabantay kolkaan gaadhey ayuu waagu baryey.
Dadku waxay jecel yihiin in nolosheennu ku idlaato liibaan. Laakiin, sheekadeydu, sidaas murugta leh ayay ku gebagebowday ka sokow maalmihii xiisaha lahaa ee harada dusheeda...!
....................
Dhammaad.
Maarso, 2025
Comments
Post a Comment